Amarkii uu xalay soo saaray Guddoomiye Madaale oon wali ka dhaqan-gelin Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Madaale ayaa xalay soo saaray amar waddooyinka magaalada Muqdisho looga mamnuucayo in maalinta cad ay socdaan gaadiidka waa weyn ee dekadda kasoo baxa ee sida alaabaha iyo kunteenarada.

Amarkan uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana daba socday kaddib markii shalay galab gaari weyn oo siday kunteenaro uu ku dul dhacay gaari caasi ah, waxaana shilkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaadiidka waa weyn ee maalinta cad socda laamiyada Muqdisho ayaa abuura saxmad badan iyo sidoo kale shilal, waxa uuna guddoomiyaha amray in kaliya gaadiidkaasi socdaan waxii ka dambeeya tobanka habeennimo .

Amarka Yuusuf Madaale ayaana ka dhaqan-gelin magaalada Muqdisho, waxaana saakay waddooyinka qaar ee magaalada lagu dhax arkayaa gaadiidka xamuulka sida kuwaa oo dhax socda laamiyada qaar kana abuuraya jaam ama saxmad.

Maamulka gobolka Banaadir ayaana marar badan horey usoo saaray amaro laab lakac ah oo xaalado sababeen, kuwaa oo qaar badan oo kamid ah aysan shaqeyn , halka kuwa kalana maalmo kooban kaliya la hirgaliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -