Hay’ada Sirdoonka Ruushka oo Xog cusub ka bixisay weerarkii ka dhacay Moscow

Agaasimaha Hay’adda ugu sarreeysa Amniga iyo Sirdoonka Ruushka ee beddeshay KGB ee FSB, Alexander Bortnikov ayaa markii u horreysay ka hadlay weerarkii Jimcihii ka dhacay tiyaatarka Moscow ee lagu dilay 139 Ruushiyaan ah.

Agaasime Bortnikov wuxuu jeediyay hadal u muuqday in weerarkan uu dhawr tallaabo horey ugu dhaqaajinayo adduunyada halis dagaal, wuxuu si cad u sheegay weerarka oo ay fuliyeen Islaamiyiin xagjir ah inay fududeeyeen Adeegga Sirdoonka Ukraine ee SBU iyo sirdoonka Mareykanka iyo Ingiriiska.

Weerarkan ayuu sheegay in looga baahanyahay Ruushka in uu qaado tallaabooyin aargoosi ah , markii uu hadalkan soo baxay warbaahinta galbeedka ayaa ku warrantay inuu Ruushka ku howlanyahay diyaarinta howlgallo uu ku khaarajinayo madaxa sirdoonka Ukraine, Kyrylo Budanov , saraakiisha sare ee Ukraine iyo bartilmaameedyo dhaawacaya reer galbeedka.

Putin, ayaa horey u sheegay in weerarka ay wax ka ogayd Ukraine, isagoo markaa tixraac u adeegsanaya iskudayga kooxda weerarka fulisay ay ku doonayeen inay ku gaaraan xadka Ukraine oo uu sheegay in looga diyaariyay marin ay ku baxsadaan, balse eedeymahan oo dhan way isku diidday Ukraine.

- Advertisement -