Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo dishay Macalin Dugsi Qur’aan oo diiday amarkooda iyo bixinta lacag

Kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in ay dileen macalin dugsi Qur’aan ku hayay deegaan dhaca duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Macalinka la dilay oo lagu magacaabayay Cabdulqaadir Xasan Ilkacase ayaa maalmo kahor Al Shabaab ka afduubteen deegaanka uu dugsiga ku hayay, waxaana macalinka la sheegay in uu diiday bixinta lacago baad ah iyo in uu tago deegaanno Al Shabaab maamulaan.

Telefishinka Qaranka oo soo xiganayay ehelada macalinka la dilay ayaa sheegay in sababta macalinka u dileen Al Shabaab uu yahay in uu ka biyo diiday in uu siiyo lacago baad ah ,sidoo kale tago deegaan ay maamulaan oo looga yeeray.

Al Shabaab ayaa inta badan ganacsatada iyo dadka kale ee lacagaha ka rabaan iyo kuwa lasoo dacweeyo uga yeera deegaannada ay maamulaan, waxa ayna inta badan handadaan ama dhibaateeyaan qofkii ka biyo diida amarkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal beeleed sababay dhimashada boqolaal qof iyo tuulooyin la gubay

Caydiid Ali

Amar kasoo baxay Kheyre oo lagu joojiyay qorista Shaqaalaha isku bedelka (Akhriso)

Cabdi Cade

Laftagareen oo jawaab kulul siiyey Musharaxiinta shirku uga socdo Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---