Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dagaal beeleed sababay dhimashada boqolaal qof iyo tuulooyin la gubay

Mas’uuliyiinta dalka South Sudan waxay sheegeen in ugu yaraan 300 qof ay dhinteen halka tiro kale ay dhaawacmeen markii dagaal beeleedyo ay ka dhaceen gobolka Jonglei ee dhaca bariga dalkaas.

Waxaana dadka ku dhintay colaadda kamid ahaa 3 qof oo u shaqeyneysay ha’yadaha gargaarka.

Dagaalka u dhexeeyay qowmiyadaha Murle iyo Nuer ayaa sabtidii ka dhacay halkaas, odey ku sugan deegaanka ayaa u sheegay in dhalinyaro kasoo jeeda qowmiyadda Murle ay dab qabadsiiyeen guryaha tuulooyin ku yaalla halkaas.

Shaqaalaha caafimaadka waxay sheegeen in qaar kamid ah dadka dhaawacmay loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Juba.

Howlgalka Qaramada Midoobey ee South Sudan ayaa ciidammo nabad ilaalin ah u daabulay deegaanka ay dagaalladu ka dhaceen. dadka qaar waxay bilaabeen in guryahooda ay dib ugu laabteen halka qaar kalena ay kasoo qaxeen guryahooda markii ay noloshooda u baqeen.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in ugu yaraan 800 qof ay ku dhinteen dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha qaar tan iyo markii ay dib uga qarxeen halkaas bishii Febraayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade Caan ahaa oo lagu dilay magaalada Laascaanood iyo Cabsi soo korortay

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga dalka oo shaaciyey iney Al-Shabaab ka dileen dagaalyahano 70 ka badan

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Xassan Shiikh oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii 5aad ee dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---