Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax khasaare sababay oo lagu weeraray kolonyo ay la socdeen Milateriga Kenya

Qaraxa loo adeegsaday miinada la aaso ayaa lala beegsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas kuwaasoo marayay duleedka Magaalada Lamu

Waxaa ka dhashay qaraxaas khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya inuu haleelay mid kamid ah gaadiidka Ciidamada Kenya xilli ay marayeen inta u dhaxeeysa degaannada Milimaani iyo Saldhiga Ciidamada Kenya ee Booni.

Saraakiisha Ammaanka Kenya weli kama hadlin qaraxa, balse Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa sheegtay inay kudileen 1 askari oo katirsan Ciidamada Kenya, inkastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashadan.

Qaraxyada iyo weerarada Al-shabaab ayaa sanadihii la soo dhaafay ka mid ahaa nolol maalmeedka shacabka ku dhaqan gobolka woqooyi bari ee Kenya oo xad la leh Somalia.

Related posts

Somaliland: “Mareykanka ayaa naga aqbalay joojinta safarka Xamse”

Caydiid Ali

Muxuu RW Rooble kala hadlay Madaxda warbaahinta Madaxa banaan? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad badan oo ku dhintay daadad kusoo rogmaday degmada Baardheere

Cabdi Cade
Taboola Ads ---