Ganacsato Imaaraadka u dhalatay oo doonaya in ay maalgashadaan Somaliland (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinaayo wakiilka Somaliland ayaa Hotelka uu ka degan yahay Dubai ku soo booqday ganacsato waa weyn oo danaynaya inay maalgashadaan deegaanada Somaliland.

Kulankan Madaxweyne ku xigeenku uu la qaatay ganacsatada ku soo booqatay hotelka uu degan yahay ayaa ujeedkiisu daaranaa sidii ay qayb uga noqon lahayaeen horumarka ka socda Somaliland gaar ahaan dhinaca maalgelinta iyo horumairnta dhaqaalaha .

Waxaanay ganacsatadaasi u soo bandhigeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland inay danaynayaan inay maalgelin ku sameeyaan dhinaca Beeraha, Dalxiiska, wershadaha iyo inay ka sameeyaan gudaha Somaliland Hotello waa weyn oo casri ah.

Saylici oo ganacsatada uga mahadnaqay sida ay u danaynayaan Somaliland inay maalgelin ku sameeyaan ayaa ugu horayn ku marti-qaaday ganacsatadaasi inay Somaliland yimaadaan oo ay soo indho indheeyaan horumarka iyo dedaalada maalgelineed ee ka jira, soona arkaan xeebaha Somaliland gaar ahaan Marsada Berbera oo iyadu wakhtigan hoggaanka u haysa horumarka ka socda Somaliland, lehna garoon diyaaradeed oo hadda uun farta laga qaaday ahna ka Afrika ugu weyn wakhtigan, loona isticmaali karo nooc kasta oo diyaarado ah Afrika inteeda kalena looga faa’iidayn karo dhinaca ganacsiga kaarkooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -