Rooble: “Dad baa ka shaqeynaya iney carqalad geliyaan doorashada, kamase yeelayno”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya kaliya looga gudbi karo in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in  is jiidjiidka doorashada ay sababeen hoos u dhac ku yimid Ganacsiga dalka, wuxuuna sicad u sheegay in doorashada kadib waxkasta ay sidooda ku soo laaban doonaan.

“Dad baa ka shaqeynaya iney doorashada carqalad geliyaan, iyagoo wata ajendayaal u gaar ah ama dano gaar ah leh, cadaalada wey naga go’an tahay, cid kasta oo hufnaanta doorashada caqabad u aragta kama yeelayno” ayuu yiri Rooble

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay in dalka doorasho ka dhacdo, sidoo kalena ay jiraan dad doonaya inay doorashada hakiyaan oo qorsho kale ka dhex raadinaya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo shalay lagu qabtay Muqdisho kaasoo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin amniga dalka, dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -