Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ah oo lagu riday Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo Dambi culus lagu helay (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga garmaqalka wajiga labaad ee kiis uu eedeysane ka yahay Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada Al Shabaab, islamarkaana gacanta lagu soo dhigay isaga oo dagaalmaya sannadkii 2021-ka.

Eedeysanahan ayaa siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyay kooxda Al Shabaab, waxa uuna u ahaa xubin muhiim ah sida ay u aaminsanaayeen iyagoo kolba xilal kala duwan u dhiibayay.

Xeer ilaaliyaha Ciidamada Jubbaland G/le Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamadda ka hor akhriyay eedeha loo haysto Ugaas Aadan iyo cadaymo muujnaya sida uu muhiim ugu ahaa Argagixisada.

Gabogabdii Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa xukun kasoo saartay eedda loo haysto Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi, kaas oo ugu dambayn lagu xukumay dil toogasho ah waxaana xukunka ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Related posts

Dayuurado duqeeyey dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Mareykanka oo dib u celiyey dayuurad rakaab ah oo ku socotay New York (Sababta)

Caydiid Ali

Haween garsoore ka ahaa Maxkamad sare oo saakay toogasho lagu dilay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---