Dowlada oo War kasoo saartay dagaal dhiig badan ku daatay oo ka dhacay Deegaanka Dhumay

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay baaq nabadeed u diraysaa beelaha walaalaha ah ee ku dirarsan deegaanada Dhumay, Dharkayngeenyo iyo nawaaxigeeda. Waxayna tacsi u dirayaan eheladii ay dadkoodi ku geeriyoodeen dirirta sokeeye.

Madaxwaynaha iyo Ra’iisulwasaaraha DFS waxa ay ku boorrinayaan, Garaadada, Madaxdhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, joojiyaanna dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya.

Waxaa ayaan darro ah in ay soo noqnoqoto aafadan ragaadisay nabadda iyo xasilooninada deegaanada Gobalka Sool.

Dowladda federaalku waxa ay ka qaadan doontaa doorka uga aaddan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa deegaanadaas. Sidoo kale Madaxwaynaha iyo Ra’iisulwasaaruhu waxa ay farayaan hay’adaha gargaarka dowladda in ay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa ku waxyeeloobay dagaalada ka soo cusboonaaday deegaannaddas.

Dowladda Federaalku waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan umadda Soomaaliyeed in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada lana ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida oo aad aas u ah guud ahaan horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -