Go’aano kasoo baxay Shir Xasaasi ah oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland

Shir maanta xarunta madaxtooyada Somaliland ku yeesheen saddexda xisbi siyaasadeed ee ka jira Somaliland ayaa laga soo saaray go’aano la xiriira xal u helida dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxweynaha  Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guddoomiyaya shirkan oo inta badan diirada lagu saaray xaalada Laascaanood iyo sidoo kale xal u helida khilaafka doorashada ee xisbiyada u dhaxeysa.

Shirka ayaana gabogabdii laga soo saaray go’aanadan hoos ku qoran:

1. In arrinta Laascaanood si nabada lagu dhammeeyo oo laga fogaado wixii colaadda sii hurin kara.

2. Saddexda Xisbi Qaran waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiinna xabbad joojinta xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabbad joojinta.

3. In Khilaafkii doorashooyinka laga wada hadlo, si xal looga gaadho, iyadoo loo xilsaaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si ay u soo ururiyaan talooyinka kulanka kan xigana u soo muddeeyaan.

4. In loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhakhsaha badanna kaalmo loo gaadhsiiyo.

5. In arrimaha Qaranka si wada jira loo wajaho lagana wada tashado

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -