Xukuumada Soomaaliya oo joojisay arrin muddo badan lagu dhaliili jiray

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa joojiyey in shirarka khuseeya Hay’adaha Dowladda ee lagu qabto meel ka baxsan dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay golaha.

Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii maanta ay Golaha Wasiirada ku yeesheen Muqdisho, oo uu guddooimiyey ra’iisul wasaare Xama Cabdi Barre, kadib soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Golaha ayaa go’aankan sabab uga dhigay “maadaama uu dalkeenu soo kabtay amni ahaan iyo horumar ahaanba, isla markaana aysan jirin baahi keenaysa in dalal shisheeye lagu qabto shirarka looga hadlaayo Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka, iyada oo goluhu xusay “mudnaanta ay leedahay in ay si dhow u wada shaqeeyaan hey’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago dhagaraha cadowga” xilligaan lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

- Advertisement -