Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo la kulmay Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Golaha Shacabka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee cusub ee loo doortay Golaha Shacabka BJFS, Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka oo ah Hambalyo, salaan iyo bogaadin, waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Shacabka BJFS.

Deni ayaa taageero u muujiyey Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo doortay wuxuu ALLE Rajeeyey inuu la garab galo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu taageerayey Xildhibaan Caananuug oo ah musharaxii ay ka guuleystay Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, wuxuuna dhaqaale ku bixiyey in Sacdiyo laga guuleysto hase ahaatee ma suuragalin.

Taageerada Deni siinayey Xildhibaan Caana-nuug ayaa qeyb ka aheyd isxulufeysi iyo balamo uu la galay Axmed Madoobe oo watay Xildhibaan Caananuug, hase ahaatee Xildhibaano taageersan Madaxweyne Farmaajo ayaa codadkooda siiyey Sacdiyo si ay u fashiliyaan qorshaha Deni iyo Madoobe.

 

Related posts

Ujeedada Al-Shabaab ka laheyd Weeraradii ka dhacay Muqdisho oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Baarlamanka Galmudug oo ansixiyey in la tiro qodob ku jiray dastuurka Maamulkaas

Caydiid Ali

Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeed xasaasi ah oo loo gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---