Uganda oo ka digtay Weerar ka dhaca dalkaasi kaddib maleeshiyaad gudaha u galay dalkaasi

Ku-xigeenka afhayeenka milliteriga Uganda,Deo Akiiki ayaa sheegay inay hayaan xog sirdoon oo ku aadan in ay maleeshiyada isbahaysiga dimuqraadiga ee Allied Democratic Forces (ADF) qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan gudaha dalka Uganda.

Deo Akiiki oo shalay oo Isniin ahayd saxaafadda kula hadlay caasimadda dalkaasi ee Kampala ayaa sheegay inay koox ka tirsan ciiddanka ADF ay labo maalin ka hor ka soo gudbeen xuduudka Uganda la wadaagto dalka Koongada Dimuqraadiga ee DRC.

Dhanka kale, khabiir farsamada miinooyinka oo u dhashay dalka Tanzania ayaa la tilmaamay inuu hagayo kooxda hubeysan ee ADF ee gudaha u soo gashay dalka Uganda. Khabiirkaasi waxa la sheegay in lagu magacaabo Axmed Maxamuud Xasan oo magaca Af Garashadiisana yahay Abu Waqas.

Dhanka kale, Ku-xigeenka afhayeeenka milliteriga Uganda waxa uu tilmaamay inay kooxda hubeysan ee ADF weli qorsheynayaan inay maleeshiyaad kale u soo diraan dhulka fog ee dalkaasi, si ay weeraro uga geystaan goobaha bulshada isugu timaado sida dugsiyada iyo goobaha lagu Cibaadaysto.

Sida laga soo xigtay milliteriga dalka Uganda, kooxda maleeshiyada hubeysan ee ADF ee ka hawl gasha xuduudka Uganda la wadaagto Kongada Dimuqraadiga ee ADF waxay mas’uul ka yihiin dilka labo dalxiise oo sannadkii hore lagu dilay beerta Ugaarta ee The National Park ee ku taalla Galbeedka Uganda iyo dilka ugu yaraan 40 qof oo badankooda Arday ahaayeen

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -