Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dayuurad Baydhabo ka dejisay gaadiid aysan xabadu karin & ilaalo hubeysan

Dayuurad magaalada Muqdisho ka qaaday gaadiidka aaney xabadu Karin ee Bulletproof-ka loo yaqaano iyo ilaalo hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe ka degtay magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka iyo ilaalada hubeysan ay hordhac u yihiin mid ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed.

Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gaadiidka iyo ilaalada hubeysan ee Baydhabo gaartay uu leeyahay Wasiirka Tamarta C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ka mid noqonaya musharaxiinta ku loolameysa doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen oo Wararka qaarkood sheegayaan inuu taageero ka helayo dowlada federaalka ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda gaaro magaalada Baydhabo halkaasoo uu qorsheynayo inuu iskaga casilo xilka wasiirnimo, kuna dhawaaqo musharaxnimadiisa.

Doorashada Madaxweynaha cusub ee koonfur galbeed ayaa lagu wadaa iney ka dhacdo magaalada Baydhabo bisha Novembar ee soo socota, waxaana magaaladaas gaaray Musharaxiin badan oo wada olole ay ku doonayaan in xilkaas loogu doorto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo lagu taageeray Dacwada uu ka gudbiyay Natriijada Doorashada

Cabdi Cade

Somaliland oo si adag uga falcelisay tallaabadii uu qaaday Madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Maamulo cusub oo loo Magacaabay Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---