Reer galbeedka oo ku gacan seyray cadeymaha Sacuudigu ka bixiyey dilka Khashoggi

Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa Saudi Arabia ugu baaqay iney sharraxaad degdeg ah  ka bixiso dhimashada Jamal Khashoggi.

War murtiyeed ay si wada jir ah u soo wada saareen sadexda dal ayay ku sheegeen arrinta ah in Khashoggi uu ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istanbul ay u baahan tahay in laga keeno caddeymo la rumeysan karo.

Britain, Faransiiska iyo Jarmalka waxay war murtiyeedkooda ku sheegeen iney ka argagaxeen dilka wariyaha loo geystay iyaga oo sheegay Inaan dilka wax qiil ah loo sameyn karin si aad ahna ay u cambaareynayaan”.

Waxayna waddamadu sheegeen iney xukmineyn ilaa ay sharraxaad dheeraad ah ka helaan dhanka Sacuudiga, iyagoo sheegay iney dalbanayaan in la sameeyo baaritaanno kale oo lagu ogaanayo ilaa laga sal gaaro cidda mas’uuliyadda dilka wariyaha loo geystay iska lahayd, ciddii dambiga dilka yeelatana ciqaabta ku habboon la marsiiyo.

Madaxweyne Trump ayaa isna horey u sheegay in hadalka sacuudigu soo saaray uusan ku qancin ayna jiraan su’aalo fara badan oo jawaab u baahan.

Khashoggi wuxuu Qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istanbul uu galay 2-da bisha October si uu uga soo dhammeysto warqadda furriinka. Waxayna Sacuudigu inta ay dhimashadiisu qiranin uu marar badan sheegtay inuu Khashoggi isaga oo nabad qaba uu qunsuliyaddooda uu ka baxay, iyaga oo marki dambana sheegay inuu qunsuliyaddooda uu ku dhex dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -