Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar Bambaano oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Qarax ayaa caawa ka dhacay xarunta maamulka degmada Boondheere ee gobolka Banaadir kaasoo la soo sheegayo inuu geystay khasaare nafeed.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay Bam gacmeed lagu weeraray xarunta maamulka degmadaas, waxaana qaraxa ka dib rasaas furay ciidamada amaanka ee halkaas ilaalada ka haya.

Qaraxa iyo rasaasta ayaa la sheegay iney khal khal badan ku abuureen shacabka degan xaafada Nasiib buundo oo xarunta maamulka degmada ay ku taallo.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Boondheere ayaa sheegay in askari ka mid ahaa ilaalada degmada uu six un ugu dhaawacmay qaraxaas, loona qaaday goobaha Caafimaadka, iyagoo intaa ku daray iney ku raad joogaan qofkii bamka halkaas ku weerary oo baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlgalo amni xaqiijin ah oo caawa ka socda qeybo kamid ah Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Somaliland oo ka hadashay heshiiskii Xassan Shiikh & Abiy

Caydiid Ali

Dilkii Khashoggi oo hareeyey Kulankii Maadxweyne Biden iyo Maxamed Bin Salman

Cabdi Cade
Taboola Ads ---