Dowlada Itoobiya & Jabhada ONLF oo qalinka ku duugay heshiis Nabadeed (Akhriso)

Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa maanta magaalada Asmara ee dalka Eritreya ku kala saxiixday heshiis dhawr qodob ah.

Afhayeenka ururkaasi Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay in qodobada lagu heshiiyey ay ka mid yihiin in colaada la joojiyo iyo in ONLF ay sii wadan karto halgankii iyo ujeedooyinkeeda.

Caddaani ayaa intaas ku daray in sidoo kale la isku afgartay qodobo ay ka mid yihiin aayo ka talinta, arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha ammaanka dalka isagoo  xusay sheegay in arrimaha siyaasadda aanan wax heshiis ah laga gaarin.

“Waxaan xusi karaa in ONLF iyo dowladda Itoobiya isku afgarteen in ujeeddooyinkii iyo barnaamijkii siyaasiga ahaa iyo hadafkii ONLF ay si nabadgelyo ah u sii wadato iyadoo aanan waxbo ka baddalin ” ayuu yiri afhayeenka ONLF.

Wuxuu sheegay inay u dirirayaan xuquuqda dadka Soomaalida ee ku dhaqan Itoobiya haddii ay noqoto saamiga ay ku yeelan lahaayeen dhaqaalaha iyo siyaasadda Itoobiya.

Mar waxa laga weydiiyay, Caddaani Hirmooge hadii xilal looga magacaabo dowladda Itoobiya iney aqblayaan iyo in kale, wuxuu sheegay iney suuragal tahay mar haddey ONLF nabad qaadatay.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta, nabadda iyo isbaddalada kasocda dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -