Allbanaadir.com
NEWS

Dab saaka aroortii qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha (Sawirro)

Dab xooggan ayaa saaka aroornimaii xiligii salaada subax ka kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaalla bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya iyo geeska Afrika.

Dabkan ayaa yimid ka dib jug weyn oo saaka laga maqlay aaga suuqa, wararka qaarkood ayaa sheegaya in miino lagu xiray dhisme ku yaalla suuqa uu ka dhashay dabka.

Wararka ayaa sheegaya dhismeyaasHa gubanaya ay ku yaalaan qeybta Cabdalla shideeye ee Suuqa oo inta badan lagu iibiyo qalabka Elektrooniga.

Dabka ayaa si weyn u saameeyey Dukaan lagu magacaabo Jeexow oo halkaas ku yaalla waxaana uu ku faafay dhismeyaal iyo Dukaamo kale, iyadoo laga cabsi qabo inuu ku baaho qeybaha kale ee Suuqa.

Gaadiidka dab damiska ayaa isku dayaya iney gaaraan goobta uu ka kacay dabka waxaana caqabad ku noqday sandaqado laga dhistay jidadka Suuqa dhexmara.

LA SOCO FAAHFAAHIN WXII SOO KORDHA..

Related posts

Daawo Sawirada “Madaxweyne Farmaajo oo safar dhulka ah ku gaaray Magaalada Qardho

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jubbaland oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Tim Trenkle

Cabdi Cade

Maraykanka oo ku dhega hadlay DF: “COVID-19 looma adeegsan karo ku xadgudubka xoriyadda”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---