Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad goordhaw ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar (Sawirro)

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in goordhaw garoonkaasi ku dhacday diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo u rarneyd ciidamada ATMIS.

Diyaarada ayaa la sheegay in dhabaha diyaaradaha ku ordaan ka baxday xilli ay ka dageysay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, waxaana si deg deg ah loo bad baadiyay dadkii diyaaradaasi saarnaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in diyaarada xamuulka waday markii ay dhacday kaddib uu dab qabsaday, waxaana markii dambe lagu guuleestay in dabkaasi si deg deg ah loo damiyo.

Lama soo sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay shilkan diyaaradeed ee goordhaw ka dhacay magaalada Jowhar, waxaana hadda bilowday baaritaanno la xariira waxa sababay shilkan goordhaw ka dhacay garoonka Jowhar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sida ay ukala baxaan siyaasiyiinta Somaalida iyo fashilka naga haysta  

Cabdi Cade

Shir u dhaxeeyay Masuuliyiin kala matalayay Soomaaliya iyo Uganda oo ka dhacay Kampala (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaanno kutlad cusub uga dhawaaqay Muqdisho kana soo horjeestay heshiiskii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---