Allbanaadir.com
NEWS

Maxbuus Muslimiinta kunool Falastiin Mushaharkiisa oo dhan ugu deeqay !

Sanduuqa la isku taakuleeyo ee GoFundMe wuxuu ilaa hadda lacag dhan $102,000 u ururiyay Hamza oo ah maxbuus Maraykan ah oo dhammaanba lacagihii uu ka dhex shaqeystay gudaha xabsiga ugu deeqay walaalihiisa reer Falastiin.

40 sanno ayuu maxbuus ahaa waxaana la filayaa inuu goordhow kasoo baxo noloshaas uu galay isaga oo soo qaangaaraya. Wuxuu toddobaadkan ugu deeqay Muslimiinta Falastiin lacag dhan  $17.74 oo ah 136 saacadood oo shaqo nadaafadeed ah oo uu ka dhex qabtay xabsiga. Halkii saac waxaa loogu dhufan jiray saddex centi, sida lagu qoray Sanduuqa mareegta GoFundMe.

Isaga oo maxbuus ah oo qalbigiisu aad uga fog tahay masaafo ahaan Muslimiin Falastiin ayuu dareemay inuu wax ku tari karo gurmadna u fidin karo. Sidaas darteed ayuuna u go’aansaday inuu lacagtii uu sannadkaas oo dhan shaqeeyey uu ugu taakuleeyo walaalihiisa.

Markii sheekada deeqdiisu ay gaartay meel sarraysa, waxaa laga fikiray sida ugu dhow ee walaalkaas Muslimka ah looga caawin karo nolosha cusub ee ku sugaysa bannaanka marka uu kasoo baxo xabsiga.

Samafalayaal ayaa doortay inay u furaan sanduuqaas si loogu taakulo. Waxaana ilaa hadda ku dhacay lacag ka badan 100,000 oo doollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo dad fara badan Salaadii Ciida kula tukaday Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maraykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali

Waa kuma shaqsiga sababay Baajinta Shirkii Farmaajo ee Kiiska Ikraan Tahliil?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---