Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Norway?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Max’uud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway, Mudane Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, ladagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyayal shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dowlad dhiska. Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu ku boorriyay Norway in ay sii kordhiso doorka ay ka qaadato  horumarinta, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada, xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Norway ayaa bogaadiyay horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan amniga iyo dowlad dhiska, isagoo xusay in Norway ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dowladda.

Related posts

Aas Qaran oo loo sameeyey Meydka Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda (Sawirro)

Caydiid Ali

Muuse Suudi oo cadeeyay cida loo heesto Askari si arxan daro ah loo dilay iyo Cabsi soo korortay

Cabdi Cade

RW Khayre oo kormeeray dekeda Muqdisho & xarumo kale oo Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---