Guddoomiye Cali Jeyte oo afhayeen cusub u Magacaabay gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa magacaabay afhayeen cusub oo uu yeelanayo gobolkaas.

Cabdi Muumin Cilmi ayaa loo magacaabay afhayeenka gobolka Hiiraan, iyadoo wareegto ka soo baxday Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan uu kula dardaarmay inuu shaqadiisa si wanaagsan u guto.

Cabdi Muumin Cilmi ayaa mar soo noqday Guddoomiyaha Maamulka degmada Maxaas, waxaana maalmihii la soo dhaafay uu kamid ahaa dadka dhaliilsan Maamulka cusub ee Hir-Shabeelle, inkastoo haatan uu ka mid noqday.

Xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa waxaa ka dhacayey maalmahan banaanbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeedo Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -