Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mahad Salad & oo kulan xasaasi ah la qaatay Dhigiisa Sirdoonka UK ee MI-6

Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo booqasho ku jooga dalka UK, ayaa la kulmay Agaasimaha Sirdoonka UK ee MI6 Richard Moore.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada hey’adood, is-dhaafsiga xogaha, la dagaalanka Argagixisada iyo sidii ay u wadaagi lahaayeen khibradaha shaqo ee dhanka Sirdoonka.

Agaasimaha NISA ayaa horay safaro shaqo ugu tagay dalal dhowr ah, si uu u xoojiyo xiriirka dibadda ee hey’adda la leedahay dalalka Caalamka.

Waxaa dalalkii uu tagay ka mid ahaa Mareykanka oo uu kula kulmay Agaasimaha CIA William J. Burns oo isna markiisa booqasho ku yimid Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkan 2024, isagoo la kulmay madaxweyne Xasan Shiikh iyo xubno kale.

Related posts

Laftagreen oo Shir deg deg ah la qaatay saraakiil Ammaan oo ay Ajaaniib ku jiraan (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in 5 urur argagixiso ay Africa ku dileen qiyaastii 22 kun oo qof !!

admin

(Daawo Video) Aabo Soomaaliyeed oo kaalmo u baahan kuna dhibaataysan degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho !!

admin
Taboola Ads ---