Allbanaadir.com
NEWS

Dahab tiro badan oo ay xadeen qoys Siiriyaan ah oo maanta tubo biyo laga helay

Taliska ciidanka booliiska gobolka Karkaar ee maamulka Puntland ayaa maanta helay dahab tiro badan oo ay soo xadeen qoys Siiriyaan ah, kuwaa muddo dheer hadda ku xiran xabsiga magaalada Qardho.

Qoyskan Siiriyaanka ah ayaa kaamirada qarsoon qabatay iyaga oo dahab badan si indho sarcaad ah uga xadayada suuqa Dahabka ee Xamar Weyne, waxaana muuqaalka marka la baahiyay kaddib si deg deg ah loogu qabtay qoyskan magaalada Qardho oo ay u safreen.

Fartuun Cismaan madaxa xafiiska baarista ee booliska Qardho ayaa sheegtay in qoyskaan oo dahab ka xaday Qardho bilooyin ka hor lasoo xiray, sidoo kale dahab kale kasoo xadeen magaalada Muqdisho suuq kuyaalla.

Qoyskaan ayaa markii saldhigga la keenay, waxay si degdeg ah dahabkii ugu qariyeen tubooyinka  biyaha maraan. Waxa ayna sameeyeen in ay dafiraan dahabkii tirada badnaa ay soo xadeen oo caddayn loo hayay.

Dahabka ay qariyeen qoyskan Suuriyaanka ah oo hadda xabsi ku jira ayaa maanta si lama filaan ah looga helay tubooyinka biyaha guri ay degnaayeen xilli la nadiifinayay, waxaana dahabkaasi lagu wareejiyay ciidanka booliiska saldhigga Qardho.

Taliska booliiska Qardho ayaa boggaadiyay saraakiisha iyo hawl-wadeennada ciidanka, waxa uu sheegay in eedaysanayaasha ajaaniibta ah dahabkaan ay soo xadeen la hellay, iyaguna ay mari doonaan wixii sharcigu qabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Senataro ka soo horjeestay qoraalkii uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka sare

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaaraha Magacaaban oo Booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Aqalka Sare (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada : Xuska Maalinta Caalaniga ee Bedqabka Cunada Aduunka oo Muqdisho lagu qabtay

Cabdi Cade