Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo sheegtay inaan la joojineyn howlaha dhismaha jidadka Muqdisho (Akhriso)

Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyed ayaa War ka soo saartay iscasilaada gudoomiyihii guddiga dhismaha jidadka Muqdisho C/llaahi Nuure Aw-Diini taasoo keentay in ganacsatada gobolka Banaadir ay joojiyaan lacagihii ay guddigaas ku taakuleyn jireen.

Cabdullaahi Nuur Owdiini ayaa sheegay inuu iska casilay Guddoomiyaha Guddiga dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho isagoo intaas ku daray inuu faro galin kala kulmay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya sababtaas awgeedna uu xilka isku casilay.

Balse War-saxaafadeedka ka soo baxay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in C/llaahi Nuure Ow-Diini uu ku guuldareystay inuu soo bandhigo warbixino iyo cadeymo ku saabsan waxqabadka guddigaas taasina ay keentay inuu soo baxo shaki ku aadan sida ay wax u socdaan.

War saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyed Maxamuud Cabdi Cali (Gabeyre) ayaa waxaa lagu sheegay iney sii socon doonaan howlaha dhismaha jidadka, waxaana loogu baaqay ganacsatada gobolka Banaadir iney sii wadaan lacagaha la siiyo guddiga dhismaha jidadka, iyadoo howlaha guddiga ay sii wadi doonaan ku-xigeenada guddiga inta gudoomiye cusub loo magacaabayo.

War-saxaafadeed ka soo baxay rugta ganacsiga oo lagu faahfaahiyey arrimahan oo dhan ayaa u qornaa sidatan:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -