Aqalka sare oo Madaxweyne Farmaajo & Raisul Wasaare Khayre u qabtay Saddex cisho (Akhriso)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho isagoo kaga hadlay halka ay ku dambeysay dhex dhexaadinta Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

 

Waxaa uu sheegay in  Bishii hore ay wufuud u direen Dowlad Goboleedyada,isla markaana ay ka keeneen warbixino la xiriira cabashooyin ay ka qabaan dowladda una gudbiyeen Xukuumadda Federaalka balse nasiib daro aysan wax jawaab ah ka helin

 

Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha Soomaaliya ay ka dalbanayaan inay bixiyaan jawaab deg deg ah  si loo soo afjaro Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya loo qabtay laga bilaabo maanta ilaa 22-ka Bishan inuu bixiyo Jawaab ku aadan Cabashadda maamul goboleedyadda.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare uu go’aan ka soo saari doono aragtidiisa Khilaafka taagan haddii Madaxda dalku ay ku guuldareystaan dalabka loo jeediyey:-

Hoos ka akhriso War-saxaaftadeedka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -