Allbanaadir.com
NEWS

Al-shabaab oo qiratay in duqeyn looga dilay hogaamiye Sare

Al-Shabaab ayaa qiratay in Maxamed Mire oo ahaa sarkaal sare looga dilay duqeyn ka dhacday Koonfurta Somalia

Mire oo lagu yaqaanay inuu Al-Shabaab ku dhex lahaa door hoggaamineed oo sare ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday degaanka Kunyobarow ee gobolka Shabeellaha Hoose oo qiyaastii 257 km koonfur-galbeed kaga beegan tahay caasimadda Muqdisho

Mareykanka ayaa hogaamiyahan sanadkii 2022-ka u aqoonsaday inuu ka mid yahay liiska argagixisada sida weyn loo raadinayo

Mareykanka oo la aaminsan yahay inuu fuliyey duqeyntan ayaa horey u beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan Al shabaab kuwaasoo lagu eedeeyey doorkii ay ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarada ka dhanka ah danaha Mareykanka.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay hoos u dhaceen howlgallada ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, oo dagaal kula jirta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay ururka caalamiga ah ee GGGI

Cabdi Cade

Ku dhowaad boqol qof oo ku dhimatay Musiibo ka dhacday Magaalada Kemerovo (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Saameynta uu reebay qaraxyadii xalay gil gilay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---