Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxkamada Ciidanka Puntland oo dil ku xukuntay lix qof u dhashay Marocco

Maxakamada darajada kowaad ee ciidamada ee Puntland ayaa maantay xukun dil ah ku riday 6 nin oo dhalashadoodu kasoo jeedo dalka Morocco.

Waxaa lagu helay inay ka mid ahaayen ururka Daacish ee fadhigiisu yahay buuraha Caal Miskaat kaasoo weeraro badan oo lagu laayey dad badan ka fuliyey degaano ka tirsan Puntland iyo qeybo kale oo ka mid ah Somalia.

Maxkamada ayaa sheegtay in ragga dilka lagu xukumay ay dhamaantood qirteen iney ka tirsanaayeen Al shabaab, dalkoodana uga yimaadeen iney dhibaateeyaan dad Soomaaliyeed.

Raggan Marocanka ah ee dilka lagu xukumay ayaa magacydooda lagu kala sheegay

1-Hassan Mohamed Hussein
2-Ahmed Nadwi Hafidu
3-Salim Nadra Ibnu Mowliid
4-Mohamed Bin Mohamed Ahmed
5-Ridwan Bareh Bin Hussein
6-Abdikadir Al Cuthmani Ibnu Ahmed

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu xukuno xabsi oo sanooyin ah ku riday nin Soomaali ah iyo nin u dhashay dalka Ethiopia oo la shaqeynayey raggan ajaaniibta ah, iyadoo sii deysay nin kale oo lagu wayey wax dambi ah.

HOOS KA DAAWO

Related posts

Goob ay ka socotay doorashada golaha degaanka Baraawe oo la weeraray

Caydiid Ali

Madaxii Shirkada McDonald oo shaqada looga eryay Sabab layaab leh !!

Cabdi Cade

Dabley hubeysan oo kufsi wadareed ka geystay xero barakac oo ku taalla Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---