Madaxweyne Xassan Shiikh, Abiy Ahmed iyo madax kale oo ku wajahan Nairobi (Ujeedka)

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda Caalamka ee ka qeybgalaya shirka Qaramada Midoobay ee arrimaha deegaanka oo maanta ka bilowday magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Madaxweynayaal iyo in ka badan shan kun oo wakiilo ah oo ka kala socda Dowladdo, bulshada rayidka ah iyo shirkaddo gaar ah ayaa ka qeybgali doona shirkan oo socon doona ilaa 1da bisha Maarso.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa isna la filaya inuu kasoo qeygalo shirkan, xilli ay wali taagan tahay xiisadda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirku maanta ayuu furmay laakiin Xasan Sheekh, Abiye iyo dhammaan madaxda sare ee Caalamka ayaa la filaya iney yimaadan marka la gaaro heerka Madaxweynayaasha.

Waa shirkii lixaad ee arrimaha deegaanka ee Qaramada Midoobay, xilli isbadalka cimilada iyo wasakhowga hawadu ay sii dhaawacayan noolaha.

- Advertisement -