Faahfaahin: Dad shacab ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Jubbada hoose

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Khasaare geystay oo saacado ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxan oo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu haleelay gaari nooca raaxada ah oo marayay degaanka Birta-dheer oo ku duleedka ah Magaalada Kismaayo.

Gaariga uu qaraxu qabsaday ayaa waxaa la socday dad shacab ah oo ka yimid degmada Afmadow, kuna sii jeeday Magaalada Kismaayo, waxaana wadada uu qaraxu ka dhacay inta badan isticmaala ciidamada Jubbaland.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen laba ruux oo la socday gaariga oo isna si xun u burburay, waxaana meydadkooda goobta ka qaaday dad ka dhowaa tuulooyin halkaas ku yaalla.

Maamulka Jubbaland ayaan ka hadlin qaraxan, mana jirto cid sheegatay illaa hadda, inkastoo qaraxyada noocan ah looga bartay al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -