Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo warbixinno ka dhageestay Masuuliyiin ka qeyb galeysa Shir ka socda Jowhar

Shirweynaha maamullada goballada iyo degmooyinka iyo isku-xirka dadaalada xasilinta deegaannada maamulka Hirshabelle oo galay maalintii 2-aad.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta dhageystay masuuliyiinta heer gobal iyo degmo ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Doodda ayaa diirada lagu saaray maxaa u hirgelay maamulada hadda dhisan oo ay ugu dambeeyeen kuwa loo magacaabay degmooyinka laga xorreeyay dagaallamayaasha Al Shabaab.

“Shirkan waa in la dhammeystiro dhammaan baahiyaha ay qabaan maamullada aan u xil-saarnay goballada iyo degmooyinka Hirshabeelle.”ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle.

Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa ku ammaanay kasoo qeybgalayaasha shirka Jowhar ka socda sida ay uga go’an tahay dowlad loo dhan yahay.

Related posts

Dayuuurad shil ku gashay garoonka Aadan cadde & Wararkii ugu dambeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo caawa lagu dilay magaalo kutaala dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade

Kenya oo jawaab yaab leh ka gudbisay dacwada badda ee kala dhexeysa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---