Dayuuurad shil ku gashay garoonka Aadan cadde & Wararkii ugu dambeeyey (Sawirro)

Shil dayuuradeed ayaa galabta ka dhacay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ka dib markii dayuurad ay u bixi waayeen lugaha ay soo degtay taayero la’aan.

Dayuuradan oo aheyd nooca yar yar ee xamuulka qaada ayaa xabadka dhigatay dhabaha ay dayuuraduhu ku cararaan, iyadoo aan la sheegin waxyeelo ka dhalatay shilkaas.

Duuliyeyaasha iyo shaqaalaha kale ee la socday dayuuradaas ayaa la sheegay in iyagoo bad qaba laga soo dejiyey dayuurada oo wararku sheegayaan in cilad farsamo awgeed ay sababtay iney u bixi waayaan taayerada.

Muddo kooban ayaa waxaa hakaday howlihii garoonka dayuuradaha ka dib shilkaas, waxayna dib u bilowdeen saacado yar ka dib markii dayuuradaas laga jiiday dhabaha ay dayuuraduhu ka soo degaan kana haadaan.

Sanado ka hor dayuurad tan la mid ah ayaa shil noocan ah ku gashay garoonka Aadan cadde ka duib markii ay taayeradu u bixi waayeen maamulka garoonka Aadan cadde ayaana ka hadlin dhacdadan u dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -