Kenya oo jawaab yaab leh ka gudbisay dacwada badda ee kala dhexeysa Somalia

Kenya ayaa ugu dambeyn gudbisay jawaabtii laga rebay ee dacwada la xiriirta muranka dhinaca badan ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Sida ay qoreen Warbaahinada caalamka qaarkood dowladda Kenya ayaa weli ku adkaysanaysa inaysan Maxkamadda Hague xaq u lahayn qaadista dacwadaas, isla markaana dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay Sanadkii 2009kii heshiis is-afgarad ah ka gaareen.

Dowladda Kenya ayaa ku doodeyso heshiiska inuu horay u saxiixay wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xiligaas ahaa wasiir ka tirsanaa dowladii Madaxweyne Shariif.

Madaxweynihii Xasan Sheekh Maxamuud dowladii uu horkacayey ayaa bilowday dacwada la xiriirta muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa bilo ka hor maxkamada u gudbiyey sida ay sharci u tahay sheegashadeeda dhul badeedka lagu muransan yahay, iyadoo waafajineysa xeerarka caalamiga ah ee lagu maamulo xuduudaha baddaha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -