Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Arrimo muhiim ah kala hadlay James Stephen oo Muqdisho yimid

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska Mudane James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada oo hadda maraya heer wanaagsan, taas oo suuragalisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka

Madaxweynaha ayaa uga mahadnaqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee dalka, kadib bixitaanka qeybaha ka harsan ciidamada ATM.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska Mudane James Stephen ayaa bogaadiyey horumarada muuqda ee ay si wadajir ah ugu tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo Hogaaminaya Dagaalka ka dhanka ah TPLF

Cabdi Cade

War Cusub: Sheekh Shariif iyo Fahad Yaasiin oo u heshiiyay Madaxweyne Farmaajo !

Cabdi Cade

Qorshe Kenya ciidamo ugu diri laheyd dal ay rabshado ka jiraan oo culees soo wajahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---