Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo guddoomiyay shir arrin Muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo caawa shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Hirshabeelle

Waxaa kale oo ka qeyb galay shirka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin ka socotay hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Shirka gaarka ah ayaa warbixin looga dhageystay guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle oo ku aadan raadadka ay reebtay daadadkii Elnino

Sidoo kale waxa ay warbixinta kusoo gudbiyeen inay ku dhawaad 500-kun oo ruux ay ku saameysay Hirshabeelle, iminkana waxaa taagan %65 cabsi laga qabo Elnino ka dhallato Roobka Gu’ga ee la filayo inuu dhawaan curto.

Ugu dambeyn Madaxweynaha  Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray dhammaan cida ay khuseyso inay ka hor dhacdada ay talaabo qaadaan si loo yareeyo khatarta ay geeysaneyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

 Xuska Maalinta Badaha Adduunka oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Luuq (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiyihii degmada Dayniile oo xilka laga qaaday & Mid cusub oo la magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---