Guddoomiyihii degmada Dayniile oo xilka laga qaaday & Mid cusub oo la magacaabay

Guddoomiyihii degmada Dayniile Cabdiweli Nuur Faarax ayaa xilka laga qaaday ka dib wareegto ka soo baxday gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Cabdiweli Nuur Faarax ayaa xilka gudoomiyaha degmada dayniile hayey wax ka yar sanad iyo bar.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Allbanaadir Online ayaa sheegaya in guddoomiyaha cusub ee degmada Dayniile loo magacaabay Maxamed Abuukar Jacfar oo ah gudoomiyihii hore ee degmada H/wadaag.

Jacfar ayaa sidoo kale horey u soo qabtay xilalka ay ka mid yihiin taliyaha ciidankii xasilinta Muqdisho iyo taliyaha howlgelinta ee ciidanka NISA, isagoo wax badana ka soo qabtay howlaha sugida amniga caasimada.

Lama oga illaa hadda sababta keentay isbedelka deg dega ah ee lagu sameeyey maamulka degmada dayniile balse arrintan ayaa la sheegay iney qeyb ka tahay isbedel gaabis ah oo ku socda guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho.

Gudoomiyeyaashii degmooyinka Hodan iyo waaberi ayaa dhowaan xilalka laga qaaday, iyadoo lagu bedelay kuwo cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -