Allbanaadir.com
NEWS

Kulan dhexmaray Masuuliyiin ka tirsan Xamaas iyo Israel oo lagu kala kacay

Waftigii Xamaas ayaa ka dhoofay Qaahira kadib saddex maalmood oo wadahadal ah

Wafdi ka socda ururka Xamaas, oo uu hoggaaminayo hogaamiyaha siyaasadda ee kooxda Ismail Haniyeh, ayaa ka dhoofay Masar ka dib saddex maalmood oo wadahadal ay ku yeesheen caasimadda Qaahira.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Xamaas, wafdiga ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil iyo madaxa sirdoonka Masar Cabbaas Kamel, waxayna ka wadahadleen heshiis xabbad-joojin ah oo ay ku lug leeyihiin sii deynta maxaabiista Israel iyo maxaabiista Falastiiniyiinta.

Sidoo kale waxaa laga hadlay gargaarka bini’aadantinimo ee ku qulqulaya waqooyiga Qaza iyo xiisada ka taagan Masjidka Al-Aqsa ee ku yaala bariga magaalada Quddus ee la heysto, halkaasi oo ciidamada Israa’iil ay todobaadyadii la soo dhaafay u diidayeen in ay cibaadeystaan dadka Muslimiinta ah.

Isku duwaha Aqalka Cad ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ayaa sidoo kale toddobaadkan ku sugnaa Masar oo uu wadahadallo la yeeshay.

Wadahadalo Qaahira ayaa la isku mari waayey ka dib markii Xamaas ay shuruud ku xirtay sii deynta maxaabiista iyo xabad joojinta.

Israel iyo Mareykanka ayaa dooneysa xabad joojin dhowr bilood soconeysa oo lagu sii deynayo maxaabiista lagu heysto Gaza, Xamaas oo diidan qorshadaas ayaa dooneysa in la gaaro xabad joojin waarta iyo in ciidamada Israel ka baxaan Gaza.

Dhinaca kale, Ugu yaraan todobo qof oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay iyagoo ka soo ambabaxay magaalada Gaza kuna sii jeeday dhanka koonfureed, iyadoo tiro kalena lagu dilay magaalada Gaza xili ay safaf ugu jireen gargaar.

Ciidamada Israa’iil ayaa beegsaday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Az-Zawayda ee bartamaha marinka Qaza, iyadoo dadka ugu badan ee ku dhaawacmay weerarka ay ahaayeen caruur.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale beegsaday guri dabaq ah oo ku yaala xaafadda al-Shawt ee Rafah, ee koonfurta marinka Gaza, iyadoo tiro dad ah oo dhaawac ah ay soo gaareen isbitaalka Kuwaiti.

Ciidamada Israel ayaa beegsaday dhismihii hore ee saldhiga booliska Abu Oreiban oo ku yaala xerada Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Related posts

Morgan Tsvangirai oo ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade

Musharaxiin Soomaali ah oo u tartamaya doorashada Xubnaha Baarlamanka Sweden

Caydiid Ali

Qodobo Muhiim ah oo looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali