Duqa Muqdisho oo la kulmay Ciyaal weero dhibaato badan dadka ku heyn jiray (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, asigoona halkaasi warbixin ku aadan Horumarada ka socda Degmada, sida dhismaha wadooyinka, Bilic soo celinta, Nadaafada iyo Amniga ka dhageystay Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Mudane Yuusuf Xundubey.

Duqa Muqdisho oo ay kormeerkaan shaqo ku wehliyeen Kuxigeenada Arrimaha Bulshada iyo Howlaha Guud ayaa sidoo kale booqday dhalinyaro horey dhibaatooyin ka geysan jirtay gudaha Degmada oo loo yaqiinay Cayaal Weero kuwaasi oo ay Maamulka Degmada Dharkeynley ku guuleysteen in dhaqan celin loo sameeyo isla markaana loo abuuro Barnaamijyo isdhexgal oo ay Isboortiga ugu horeyso iyagoona tartamo Isboorti la sameeyo kooxo ka dhisan Degmada.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley ayaa sheegay in illaa iyo 21 kooxood oo Isboorti laga hergeliyay Degmada si dhaqan celin iyo isdhexgal bulsho loogu sameeyo dhalinyaradii horey la magac baxay cayaal weero isla markaana loogu dhiirageliyo in ay ka qeyb qaataan Amniga Degmada Dharkeynley.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay Maamulka Degmada Dharkeynley iyo Bulshada Degmada in laga wada qeyb qaato sugida Amniga, Bilic soo celinta iyo Horumarka Degmada, asigoo intaa raaciyay in lala shaqeeyo laamaha Amaanka si loogu hortago dhagarta cadowga.

- Advertisement -