Ciidanka Milateriga oo degaan cusub kala wareegay Al-Shabaab ka dib dagaal dhexmaray

Ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala degaanada Maamulka Koonfur galbeed iyo xoogaga Al-shabaab kala wareegay degaan ka tirsan Gobolka Bay ka dib dagaal dhexmaray.

Dagaalka yimid ka dib markii Ciidanka dowladda ay saaka waaberigii weerar ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Qod-qod oo qiyaastii 40-km u jira degmada Diinsoor.

Labada dhinac ayaa waxaa halkaas ku dhexmaray dagaal socday muddo saacado ah oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo la maqlayey qaraxyo sida ay sheegeen dad Goob joogayaal.

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Cabdisalaan Xaaji Diyaar ayaa sheegay in Ciidanka dowladda ay la wareegeen degaanka Qod-qod ka dib dagaalkii halkaas ka dhacay

“Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la gaarsiiyey cadowga, waxaana halkaas lagaga dilay laba dagaalyahan, halka qaar kalena dhaawac loo geystay, sidoo kale Ciidamada ayaa Al-shabaab kasoo furtay 8 qof oo u xirnaa” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Al-shabaab kama hadlin dagaalkan saaka ka dhacay degaanka Qod-qod, waxayna wararku sheegayaan in Xoogagii  Al-shabaab ee laga qabsaday halkaas ay joogaan meel aan ka fogeyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -