Cabdi Maxamuud Cumar oo la sheegay in uu isku dayay in uu ka baxsado xabsi uu ku xirnaa

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu ka baxsado xabi uu ku xirnaa oo kuyaala magaalada Adis Ababa.

Booliiska Federaalka Itoobiya ayaa Maxkamada sare ee qaadeysa kiiska dacwada Cabdi Maxamuud Cumar ku war galiyay in uu isku dayay in uu ka baxsado xabsi uu ku xirnaa dhibaatana u geestay askari boliis ah oo ilaalinayay goobta uu ku xirnaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaalida Itoobiya oo maanta mar kale Maxkamad lasoo taagay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga ee dad ku dhinteen hanti badana lagu boobay.

Booliiska Federaalka ayaa Maxkamada maanta lasoo taagay Cabdi Maxamuud ka sheegay in uu isku dayay in uu baxsado kadib markii uu jabiyay daaqada qol uu ku xirnaa sidoo kale cunaha qabtay askari ilaalo ka hayay.

Cabdi Maxamuud oo Maxkamada wax ka weediisay eedea loo soo jeediyay ee ahaa in uu baxsi isku dayay ayaa sheegay in eedaasi tahay mid been abuur ah oo lagu doonayo in sumcadiisa lagu dilo laguna baneesto jirduilka lagu hayo.

” Waxa la iga sheegay waa been cad oo lagu dilayo sumcadeeda laguna baneesanayo in la dhibaateeyo,  xabsiga aan ku xiranahay ma aha mid munaasab ah isla-markaana caafimaad darro aan kala kulmay” Ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumar.

Dambi baaraha  gacanta ku haya kiiska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa meesha ka saaray tacadiyada xabsiga loogu geesto Cabdi Maxamuud, waxa uuna sheegay in xabsi caadi ah ku xiran yahay wax cadadais u gaar ahna aan lagu heyn.

Madaxweynihii hore ee Soomaalida Itooniya ayaa ku xiran xabsi kuyaala magaalada Adis Ababa, waxaana lagu eedeeyay gabood falo uu geestay intii uu xukunka hayay iyo rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga.

- Advertisement -