Dad xusayay Sanadka cusub ee Nayruuska oo qarax lagu laayay (Daawo Sawirada)

Qarax uu fuliyay nin jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay macbad kuyaala meel ku dhaw magaalada Kabul ee caasimada Afgaanistan, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan.

Inta ka xaqiijiyay 32-qof ayaa ku dhimatay qaraxan ismiidaaminta ah ee ka dhacay macbad ay isugu yimaadeen dad shiico ah, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay dad ka badan 18- qof oo kale.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa  sheegay in qof waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray uu weerarka soo qaaday uuna soo abaaray macbadka Sakhi isaga oo lugaynaya.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ciidamada booliiska ee ilaalinayay macbadkaasi ay aqoonsadeen kana shakiyeen ninkaasi weerarka fuliyay balse is qarxiyay kahor inta aysan ciidamada booliiska qaban.

Macbadka qaraxa lala beegsaday ayaa waxaa isugu yimid dad badan oo shiico ah, kuwaa oo la sheegay in ay xusayeen sanadka cusub ee Neyruuska, waxaana masuuliyada qaraxan durba sheegatay kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Afgaanistan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -