Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWSPUNTLAND

Kulankii Qoor-qoor & Deni oo goor dhow soo gebageboobay (Maxaa ka soo baxay?)+Sawirro

Shirka iskaashiga Puntland iyo Galmudug ee saaka ka dhacay woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhammaaday goor dhow salaadii Jimcaha ka dib.

Waxaa shirka ka qeyb galay madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo kan Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) xubno kale oo ka tirsan labada maamul iyo saraakiil ciidan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xiriirka labada maamul, amniga magaalada Gaalkacyo, wax ka qabashada colaad beeleedyo ku soo laalaabtay degaano ka tirsan gobolka Mudug iyo qodobo kale.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtoyada Puntland kulanka ayaa ku dhamaaday Is-afgarad iyo in laga wada shaqeeyo Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda nabadda iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac , iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Liiska dadkii la dhintay Prigozhin oo la shaaciyay iyo Nin Mareykanka xayiraad saaray oo ku jira

Cabdi Cade

Wasiiro katirsan Koonfur Galbeed oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay 

Cabdi Cade

Ciidamada Xoogga dalka oo Weeraray fariisin ay lahaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---