Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeeysan fal dil ah

Taliska Qeybta Guud Boliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney soo xireen nin ku eedeeysan nin maalmo ka hor fal dil ah ka geystay magaalada Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO QORAAL KOOBAN OO KA SOO BAXAY BOOLISKA

Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Deyniile ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanaha sawirkiisu hoos idinkaga muuqdo, kaasoo ku eedeysan in uu xabad ku dilay muwaadin Soomaaliyeed 12/02/2024.

Baadi goob dheer kadib waxaa ciidanka boliiska u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo, waxaana la hor geyn doonaa maxkamadda awoodda u leh hadduu alle idmo.

Haddaba muwaadin, haddii aad aragtid fal amniga liddi ku ah warbixin geey saldhigga kuugu dhow ama wac lambarka gaaban ee 991.

DHAMMAAD

 

Related posts

Xariga Wasiir Janan oo la sheegay in ay ka dhalan karto Cawaaqib xumo

Cabdi Cade

Qasri caan ah oo laga xaday Fadhi Suuli oo ka sameesnaa Dahab (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay deegaanka Al Kowthar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---