Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al Shabaab oo shaacisay iney dhinteen dhaqaatiirtii Cuba ee gacanta ugu jiray

Al-Shabaab ayaa shaacisay inay geeriyoodeen laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba kuwaasoo muddo sanado ah u afduubnaa laguna hayey nawaaxiga degmada Jilib

Bayaan ay soo saartay kooxda ayey ku sheegtay in dhaqaatiirtaas ay ku geeriyoodeen duqeyn ka dhacday magaalada Jilib oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ee taageeraya kuwa Soomaaliya.

Dhaqaatiirtan ayaa sanadkii 2019 waxay Al-Shabaab ka soo afduubteen gobolka Waqooyi Bari Kenya, xili ay halkaas ka wadeen howlo gargaar oo dhinaca Caafimaadka la xiriira.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa dhowaan shaaciyey iney duqeyn ka fuliyeen degaanka Yaaq-Dabeyl ee gobolka Jubada Hoose, halkaasoo ay ku dileen laba xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab sida ay sheegeen.

Waxaa fashilmay isku dayo marar badan lagu doonayey in lagu soo daayo dhaqaatiirtan kuwaasoo ay wadeen dowladaha Somalia, Cuba iyo Kenya.

Related posts

Ciidamo ka tirsanaa daraawiishta Puntland oo u goostay dhinaca Somaliland

Caydiid Ali

Xasan Shiikh & Madax kale oo shacab kula tukaday Masjidka Isbaheysiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar oo Arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---