Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiyihii ugu weynaa ee mucaaradka u ahaa Vladamir Putin oo xabsi ku geeriyooday

Hoggaamiyihii mucaaradka ku ahaa naftana u galay madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa ku geeriyooday xabsi uu ku xirnaa, waxaana jira shaki badan oo hareeyay dhimashadiisa.

Alexey Navalny, ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday xabsi si weyn loo ilaaliyo oo kuyaalla galbeeda Seybira,  mana laga bixin faah faahino badan geeridiisa oo goordhaw un soo shaac baxday,

Hoggaamiyahan geeriyooday ayaa sannadkii 2020-kii  lagu sumeeyay sunta dareemayaasha saameysa ee loo yaaqaanno Novichok ee Siberia, waxaana markaasi loo qaaday dalka Jarmalka oo lagu soo daweeyay.

Siyaasigan oo kusoo caan baxay dhaleeceynta madaxweynaha Ruushka iyo maamulkiisa ayaa marar badan xabsiga la dhigay, waxa uuna hadda ugu dambeyn ku dhax geeriyooday xabsigii uu ku xirnaa isaga oon hankiisa siyaasadeed aan gaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Somalia oo caawa la weeraray

Caydiid Ali

Soomaaliya oo Dhaqaatiir u diraysa dal Yurub kuyaala si ay uga caawiyaan Caronavirus

Cabdi Cade

Jabhada TPLF oo baaq u dirtay Shacabka Tigrey xilli duullaan culus ku socdo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---