Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo ku dhawaaqay hadal yaab leh oo ka dhan ah dalalka xubnaha ka ah NATO

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay haddii uu xilka ku soo laabto inuu ku dhiirigelin doono Ruushka in uu weerarro xubin kasta oo ka tirsan NATO oo bixin wayda biilasha ee qayb ka ah isbahaysiga milatariga reer galbeedka.

ka dib isku soo bax uu qabtay, ayuu sheegay in uu mar u sheegay NATO hoggaamiyaha aan bixinin lacagta aanu ilaalin doonin, uuna “ku dhiirigelin doono” waddan walbo oo doonaya in uu ku gardaroodo waddankaas inay ka sameeyaan waxa ay doonaan.

Dalalka Nato waxay ballan qaadeen inay difaacaan qaran kasta oo ka tirsan ururka oo dibeda laga soo weeraro.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa hadalkaas ku tilmaamay “wax laga naxo oo aan loo meel dayin”

Madaxa Gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg oo ka jawsaabay hadalkaas ayaa sheegay in soo jeedin kasta oo ah in “isbahaysigu aysan is difaaci doonin ay wax u dhimeyso dhammaan amniga dalalka ku jira.

“Talo kasta oo ah in xulafadu aysan is difaaci doonin waxay wiiqaysaa dhammaan amnigeena, oo uu ku jiro kan Mareykanka, waxayna halis dheeraad ah gelinaysaa askarta Mareykanka iyo Yurub.” ayuu yiri Jens Stoltenberg.

Related posts

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Xaaf oo ku laabtay Dhuusamareeb, labo qodobna balan-qaaday

Caydiid Ali

Farmaajo oo War ka soo saaray colaada ka dhex aloosan Xeraale & Caabudwaq

Caydiid Ali

Siyaasiyiin ay ku jiraan Raisul Wasarayaal hore oo war wadajir ah soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---