(Daawo Sawirro) Madaxweyne Xaaf oo ku laabtay Dhuusamareeb, labo qodobna balan-qaaday

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta  Maamulkaas.

Xaaf iyo wufuuda la socotay ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey madaxa xukuumada Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan, Saraakiil iyo shacabka Magaalada Duusamareeb.

Ku soo laabashadiisa Dhuusamareeb ka dib ayuu Xaaf sheegay inuu ka shaqeyn doono qodobo ay ka mid yihiin taabagelinta iyo horumarinta Galmudugta mideysan iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii dhexmaray Galmudug iyo Ahlu sunna.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inay bilaaban doonaan mashaariicdii horumarineed ee uu dhagax dhigay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhowaan deegaanada maamulka Galmudug booqasho ku maray.

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Xaaf uu shaqaiisa si rasmi ah uga bilaabo caasimada Galmudug Magaalada Dhuusamareeb tan iyo markii dhowaan ay midoobeen Galmudug iyo ahlu sunna.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -