Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray Mashaariic Boosaaso laga hirgaliyay (Sawirro)

Madaxweynaha  dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa maanta xariga ka jaray wejiga koowaad ee wadada laamiga ah ee jidka 30-ka Boosaaso oo la dhameystiray 3.5KM.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa  sidoo kale waxa uu maanta dhaggax dhigay wejiga Labaad ee wadadan oo dhan 2.4KM, taas oo la filayo in iyana la dhiso, waxaana dhismaha waddooyinkan gacan weyn ka geestay maamulka Madaxweyne Deni.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, oo ay iska kaashadeen maamulka Puntland iyo Midowga Europe, iyadoo fullinta farsamo ay fududeeysay Hay’adda FAO.

Madaxweyne Demi ayaa boggaadiyay dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga oo uu muujiyey in Puntland muhimad gaar ah siisay in la helo xaruntan, oo saldhig u noqonaysa shaqooyinka la xiriira Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kheyre oo sheegay waxyaabaha raga uga Wanaagsan yihiin Haweenka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Booliiska oo Muqdisho ka sameeyay howlgal dad badan soo dhaweeyeen (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Israiil oo ka carootay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Luiz Lula da Silva

Caydiid Ali
Taboola Ads ---