Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo ka hadlay Saraakiisha Imaaraatka ee lagu dilay weerarka Muqdisho

Muqdisho, Feberaayo 10, 2024; Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Hosbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaratka eeĀ  galabta ku dhawaacmay falka argagaxa leh ee ka dhacay Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”.

DHAMMAAD

Related posts

Dagaal Khasaaro dhimasho Sababay dad badana ka naxeen oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu horkacayo oo gaaray Garowe

Caydiid Ali

Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday saldhig ay leeyihiin Milateriga Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---