Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo nolosha ku qabtay sargaal katirsanaa Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada deegaanka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen gobolka Galgaduud, waxa ay kusoo qabteen sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada huwanta ah oo ka dhacay inta u dhaxeeysa deegannada Masagawaa & Waniinle ayey kusoo qabteen sargaal katirsanaa Al Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Mowlid Cali Dhuxuloow.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida u sheegay in sargaalkan ay qabteen in muddo ah katirsanaa jabhada Al Shabaab, waxa ayna xuseen in xogtiisa oo ay heleen horseeday in ay soo qabtaan.

Sargaalkan katirsanaa kooxda Al Shabaab ee soo galay gacanta ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la sheegay in horjooge u ahaa dagaalyahanno katirsan jabhadaha Al Shabaab oo ku sugan qeybo kamid ah gobolka Galgaduud .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Oo Muqdisho Ku Doortay Hoggaan Cusub(Sawiro)

admin

Daawo Sawirada: Wiil Soomaali ah noqday qofkii ugu da’da yaraa ee ka qaata shahaadada PhD-ga jaamacad ku taala dalka…

Cabdi Cade

Xubno kamid ah Guddiga Doorashooyinka FEIT oo beeniyeey Liiska u shaaciyey guddoomiyaha !!

admin
Taboola Ads ---